Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay In Furista Urrurada Siyaasaddu Sharci Tahay

0
1428

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad Xisbiga Kulmiye ugu dabaal-degayay sannad-guuradii 20 ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay xisbiga, ayaa sheegay in furista urruradu sharci tahay.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu taageerayo furista urrurada siyaasada, islamarkaana ay sharci tahay.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Biixi sheegay in xisbiga Kulmiye uu taariikh u leeyahay in uu taageero furista urruro cusub marwalba, islamarkaana xataa isaga oo mucaarad ah uu taageeray in urruro cusub la furo.

Madaxweynuhu marka laga yimaado in uu taageersanyahay furista urrurada, hadana kama faaloon, hadii doorashada urrurada cusub la qabanayo doorashada madaxtooyada ee bisha November kahor, halkaasi oo uu khilaafka ugu badani ka taaganyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here