Somaliland iyo Taiwan oo kala Saxeexday Heshiis Macdanta iyo Shidaalka ah

0
344

Hargeysa,(HargeisaPress)–Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo wasaaradda dhaqaalaha ee dalka Taiwan, ayaa waxaa ay maanta wada gaadheen heshiis laba geesood ah.

Heshiiskan, ay wada gaadheen Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo wasaaradda dhaqaalaha Taiwan, ayaa waxaa uu la xidhiidha arrimaha Shidaalka, macdanta iyo tamarta, iyaga oo sidoo kale isku afgartay arrime kale oo iska kaashan doonaan.

Heshiiskan, ayaa waxaa dhinaca Somaliland u saxeexay wasiirka wasaarada macdanta Cabdilaahi Faarax Cabdi, halka uu heshiiskan dhinaca Taiwan u saxeexay wasiirka dhaqaalaha ee dalka Taiwan.

Munaasibada heshiiska lagu saxeexay oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland, waxa ka qaybgalay xubno kamida golaha wasiirrada iyo hay’addaha madaxbanaan ee xukuumadda Somaliland oo kala ah. Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shirre, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golleyaasha, Maxamed X. Aadan Cilmi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo Gudoomiyaha Komishanka Korontada Axmed Faarax Caddare iyo wefti ka socday wasaaradda arrimaha dibada ee Taiwan.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi oo ka waramay ahmiyadda ay leedahay dhaqaajinta iyo horumarinta heshiisyaddii saaxiibtinimo ee ay wadda gaadheen Somaliland iyo Taiwan sanadkii 2020, kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen Beeraha, Kaluumiysigga, Macdanta, Tamarta, Caafimaadka iyo Waxbarashadda.

Wasiirka waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in la dar-dar geliyo wadaagista xogaha khayraadka macdanta,Tamarta iyo shuruucda lagu horumarinaayo aaggaga Macdanta iyo Tamarta, waxaanu sidoo kale ka hadlay sahamintii shidaalka ee dalka ka socotay oo hadda u gudbaysa marxaladdii qodaalka.

Shirkadaha sahaminta shidaalka sameeyay oo kala ah General Energy iyo RAK Gas LLC, ayaa sahamaddoodii ku xaqiijiyay goobo muujinaya tuhunka kaydka Shidaalka, iyada oo marxaladda qodaalka shidaalka loo qorsheeyay in la bilaabo sanadka 2023.

Waxa kale oo wasiirku sheegay inay jiraan fursaddo kale oo maalgashi oo dhanka shidaalka ah oo bannaan, maadaama oo 25% kaliya block-yadda ruqsado shidaal loo haysto, isla markaana waxa banaan fursadaha 75%.

Wasiirku mar uu ka hadlayey dhinaca macdanta iyo mashaariicda socda waxa uu iftiimiyay in ay wadanka ka socdaan sahamin iyo qodista macdanta oo ay wadaan shirkaddo gaar loo leeyahay, iyaddoo ay jiraan sahamo gaar ah oo ay sameysay Wasaaradda Tamarta iyo macdantu oo laga maal geliyay miisaaniyadda Qaranka.

Cabdlaahi Cabdi Faarax, wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland, waxa uu sharaxaad ka bixiyay hadafka iyo hiigsi ay wasaaraddu ka leedahay Tamarta iyo siddii loo heli lahaa Tamar koronto bed-qab iyo haqab-beel ah.

“Si hadafkaa loo xaqiijiyo waa in la helaa koboc dhaqaalle, wax soo saar iyo horumar dhinacyo badan leh oo Qarankani ku talaabsaddo. Si loo gaadho Hadafkaa wasaaradda Tamarta iyo macadanta Somaliland, iyo Taiwan waxa ay iska kaashan karaan arrimahan hoos ku xusan. Dib u dhiska iyo horumarinta guud ahaan qaybaha kala duwan ee muhiimka u ah aagga Tamarta korontada iyo hay’adaha ka hawlaha Tamarta, oo ay ugu horeyso wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. Curinta, dib u habaynta iyo hirgelinta shuruucda, Siyaasaddaha, hagayaasha iyo habraacyadda daraasaddaha iyo cilmi baadhista IWM”ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Cabdi Faarax.

Geesta kale, Safiirka dalka Taiwan Amb. Allen C. lou, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey heshiiska dhex maray Somaliland iyo waddankiisa, waxaanu ku tilmaamay talaabo kale oo taariikhi ah oo ay hore u qaadeen labada Qaran.

Gaba-gabaddii xafladaasi waxa hadallo bogaadin ka jeediyey xubnaha golaha wasiirada ee ka qaybgalay, kuwaasoo ku dheeraaday ahmiyadda uu heshiiskani u leeyahay Qaramada Somaliland iyo Taiwan, iyaga oo dhamaan soo dhaweeyay, isla markaana soo jeediyey in si degdeg ah loo hirgeliyo heshiiskaasi, midhihiisana lagu najaxo.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here