Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland oo Loo-diiday Inuu Tago Degmooyin Gobol

0
1101

Gardafuu (Hargeisa Press) – Wasiir ku xigeenka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf, ayaa loo diiday in uu tago degmooyinka gobolka Gardafuu ee maamulkaasi.

Wasiirkan oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Caluula iyo Murcanyo, ayaa waxa jid-gooyo u dhigtay maleeshiyo beeleed ka soo jeeda gobolka oo diidan safarkiisa.

Wasiirkan, ayaa shalay dib uga laabtay gobolkaasi, kadib markii safar 5 maalmood qaatay uu ku dhaafi-waayay tuulada Hoodaa oo hoostagta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Wararka, ayaa intaas ku sii daraya in wasiirkani uu doonayay in degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xidhiidha doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyi-gelinta diiwaan-gelinta dadweynaha oo la qorshaynayo inay gobolkaas ka bilaamato bisha Janawery ee sanadka cusub ee 2023.

Qaar kamid ah waxgaradka degmada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu, ayaa hore uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee ay sameeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Guddiga kumeel gaadhka Doorashooyinka ee Puntland (TPEC), ayaa dhamaadka bishi hore shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada khilaafku ka taagan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga, ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka koobna 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, kuwaasi oo ay ku jiraan deegaano lagu muransan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here