Dowladda Jabuuti oo Farriin U Dirtay Muwaadiniinteeda Ku Dhaqan Somaliland

0
1542

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxaa ay farriin u dirtay muwaadiniinteeda ku dhaqan Somaliland kuna war gelisay in ay yimaadaan Safaaradda dalka Jabuuti ku leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Safiirka dalka Jabuuti u jooga Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa waxaa uu ugu baaqay muwaadiniinta reer Jabuuti ee dhaqaalaha hawlgabka qaataa in ay yimaadaan xarunta safaaradda.

Waxaanu safiirku ugu baaqay dadka da’da ah ee aan iman karin safaaradda inay muuqaalo ay ku xaqiijinayaan u soo diraan safaarada.

“Waxaan baaq u diraya dadka reer Jabuuti ee ku nool gayiga Somaliland ee hawlgabka qaata.” Wuxuu u sheegay inay joogaan masuuliyiin ka socda xafiiska hawlgabka Jabuuti oo hawlaha aad u baahnaydeen idiin qaban doona illaa 29 December.” ayuu yidhi Safiirka dalka Jabuuti u jooga Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye.

Safiir Kawaaliye, ayaa muwaadiniinta reer Jabuuti u sheegay in iyagoo ka duulaya siyaasadda Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukuumaddiisa inay u fududeeyeen muwaadiniinta helitaanka dhaqaalihii hawlgabka.

Safiirka dalka Jabuuti u jooga Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa sidoo kale muwaadiniintooda ku kala nool Somaliland ka dalbaday inay ka soo jawaabaan baaqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here