Wasiir Faaratoon oo Meesha Ka Saaray In Safarka Madaxweynaha Somaliland La Xidhiidho Khilaafka Nairobi iyo Muqdisho

0
2024
Nairobi (Hargeisa Press) — Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadley wararka sheegaya in safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalka Kenya uu la xidhiidho xidhiidhka cakiran ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.
 
Wasiir Faaratoon ayaa meesha ka saaray in safarka Madaxweynaha Somaliland aanu wax xidhiidh ah la laheyn xidhiidhka sii xumaaday ee xukuumaddaha Nairobi iyo Muqdisho.
 
Waxaanu sidoo kale sheegay in khilaafka Muqdisho iyo Nairobi aanu wax saameyn ah ku yeelaneyn dowladda Somaliland.
 

Waxaa kale oo uu sheegay in labada madaxweyne ee Somaliland iyo Kenya ay gaadhi doonaan heshiis la xidhiidha arrimo salka ku haya danaha labada dal.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa xusay in wada-hadaladaasi ayna qeyb ka aheyn arrimaha qaadka oo la ogyahay inay Soomaaliya joojisay, isagona hoosta ka xariiqay in qaadka Kenya uu markiisa horeba si caadi ah u tagi jiray Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here