Kulan Laba Geesood Ah oo Dhexmaray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya

0
3155

Nairobi (Hargeisa Press) — Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku marti-qaaday weftigii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Kenya.

Kulankaas oo ahaa mid laba geesood ah oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan weftigiisii booqashada ku joogay dalka Kenya.

Labada madaxweyne waxay kaga wada hadleen qodobo dhawr ah oo u badan danaha labada dal ee Kenya iyo Somaliland sidii loo xoojin lahaa.

Waxaana la isla meel dhigay in labada wafti ay iskugu yimaadaan kulan labaad maalinta berri oo Salaasa ah taariikhduna tahay 15-ka Diseembar 2020, si loo dhammaystiro qodobada  labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here