Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Ruqsadii Kala Noqotay Dugsiyo Gaar Loo Leeyahay

0
608

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland ayaa ruqsadihii kala noqotay qaar ka mida dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee ku yaalla caasimadda Hargaysa.

Dugsiyadaasi ayay wasaaradda waxbarashu ku eedaysa in ay jebiyeen heshiisyo ay la galeen wasaaradda, isla markaana ay ka dhego-adaygeen wareegtooyin uu soo saaray wasiirka waxbarashadu.

Sidaasina waxaa lagaga dhawaaqay kulan ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo masuuliyiinta gobolka Maroodijeex, oo  ka qabsoomay xarunta badhasaabka gobolka Maroodijeex ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana kulankaasi lagaga hadlay sidii loo fulin lahaa wareegtooyinkii ay isla qaateen wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo dugsiyadda gaarka loo leeyahay.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here