Wasaaradda Waxbarashada oo Shaqada Ka Joojisay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex

0
981

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaqo-ka-joojin ku sameeyey Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Maroodijeex Cabdikariin Xasan Muxumed.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Waxbaashada Axmed Xasan Nuur (Axmed-Taajir), laguna socodsiiyey masuulka shaqo-ka-joojinta lagu sameyey isla markaana lagu war-geliyey Agaasime waaxeedyada, Agaasimaha Guud iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyey masuulkan oo lagu eedeeyey inuu ka horyimi nidaamka wada-shaqaynta iyo kala-dambaynta ee Wasaaradda.

Wareegtada oo ku taariikheysan 31-kii March, 2021, nuqul ka mid ahna ay heshay warbaahinta Hargeisapress, ayaa u qornayd sidan:-

β€œUjeeddo: Shaqo-ka-joojin.

Mudane Guddoomiye, markii aad si badheedh ah u diidday wada-shaqaynta kana hor timi habsami u socodka shaqada waxbarashada Gobolka. Haddaba, maanta laga bilaabo waxa lagaa joojiyey shaqada maamulka Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodijeex ilaa inta aad ku soo noqonayso nidaamka wada-shaqaynta iyo kala-dambaynta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here