Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Abaalmarisay Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa 2021-kii+Sawirro

0
614

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta ee Somaliland ayaa abaalmarino guddoonsiiyay shaqaalihii dedaalka dheeraadka ah muujiyay sanadkii tegay ee 2021-ka.
Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka sare ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane C/laahi Abokor Cismaan.


Agaasimaha Guud C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe, Wasiirka Warfaafinta Mudane Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Dr. C/wali Sheekh C/laahi Suufi Jibriil, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Muuse Salaf.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Cadaaladad, Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha, Dhamaan Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Mudan Iyo Marti Sharaf kala duwan.
Ugu horrayn waxa munaasibada furay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Mudane Jamaal Colaad oo sharaxay qaabka ay usoo xuleen shaqaalihii ugu shaqada wanaagsanaa sannadkii 2021.
isagoo hoosta ka xariiqey inay raaceen habraacyadii ay udhigtay Hayadda Shaqaalaha Dawladda.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa hambalyeey shaqaalaha caawa halkan lagu abaalmarinayo.
Wuxuu qirey shaqadii balaanayd ee shaqaalaha caawa qabteen, isagoo xusay inay muujiyeen hawlkarnimo iyo daacadnimo.


Wasiiradda Wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigalinta, Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada, Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Iyo Dalxiiska, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Cadaaladda, Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha, Iyo Madaxdii Kale Ee Madasha Ka Hadlay Ayaa Qirey shaqada Wasaaradda Hawlaha gacanta ku hayso ee Qaranka uqaabilsantahay, waxayna hambalyeeyeen shaqaalaha caawa la abaalmariyey.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan. Ayaa si weyn uhamabalyeey shaqaalaha caawa halkan lagu abaalmarinayey ee sannadka guuleystay 2021, isagoo xusay shaqadii baaxda weynayd ee sannadkii dhamaaday ay soo qabteen, wuxuu dhiirigaliyey inta aan caawa halkan lagu abaalmarin oo uu sheegay in iyaga laftoodu ay shaqeeyeen.
Ugu danbayntii waxa munaasibada lagu abaalmariyey 21-kii shaqaale ee ugu waanagsanaa sannadka, iyadoo gaae loo xusay Injiinerkii ugu Wanaagsanaa, Shaqaalihi Ugu Wanaagsanaa, Iskuduwihii Ugu Wanaagsanaa, Iyo Agaasime Waaxeedkii Ugu Wanaagsanaa.


Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here