D/Hoose Ee Laascaanood Oo Bilawday Dhamaystirka Master Plan-ka magaalaadda

0
528

Laascaanood (HP): Dawlada hoose ee degmada Laascaanood oo kaashanaysa wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyaynta ee Somaliland ayaa bilawday dhamaystirka wejigii labaad ee mashruuca Mastar-Plan magaaladaasi.
Waxaana mashruucaasi daah-furkiisa goob joog ka ahaa maayar Laascanood maayar ku-xigeenkiisa Axmed Kawte.

Xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood, xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka iyo injiineerro ka socday wasaaradda hawlaha guud, iyo masuuliyiin kale.
Dhamaystirka qorshahan master plan-ka magaaladda Laascaanood waxaa wejigiisii koowaad soo bilaabay golihii deegaanka ee hore iyo wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland.
Iyadoona qaybtani oo ah wejigii labaad ay noqonayso wejigiisii labaad, kaasoo la doonayo in lagu kala saarro dhulka danta guud noqonaya iyo meelaha Jaggooyinka ama Boosaska ah ee ay dadka shacabka ahi yeelanayaan.

Sida uu sheegay maayarka Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, oo ka warbixinayay dhamaystirka wejiga labaad ee mashrcuuca master paln-ka magaaladaasi.
C/raxiin Cali Ismaaciil, waxa kaloo uu sheegay in shaqadani master plan-ku ay macno badan u leedahay magaalada Laascaanood, maadaama oo ay wax ka qabanayso caqabadaha bulshadda ka haysta Waddooyinka iyo Waddo xumadda.
Maayarku waxa uu intaas raaciyay in haddii shaqada master paln-ku ay sida loo qorsheeyay ku dhamaato, in la helayo Laascaanood qurux badan oo ka duwan Laascaanoodii hore.

Geesta kale C/raxiin Cali Ismaaciil, ayaa ugu baaqay shacabka magaaladda Laascaanood in ay u dhego nug laadaan hawl-wadeenadda shaqadda haya, maadaama oo ay ka shaqaynayaan quruxinta iyo qiimihii dhulkoodda iyo magaaladoodda.

HALKAN KA DAAWO: Hadalkii Maayarka Laascaanood:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here