Wefti Caalamiya Oo Kulan La Yeeshay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland

0
290

Hargaysa (HP): Wefti ka socday wadamadda beesha caalamka ee Somaliland ka taageerra arrimaha doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Weftigani oo booqasho ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa ka kala socday dalalka Sweden, Finland, UK, Germany, Norway iyo Denmark, iyo sidoo kale ururka midawga Yurub.

Waxaana weftigan qaabiley wasiir Ku-xigeenka Maamulka gobolada iyo Degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed.
Agaasimaha guud ee Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Ibraahim Cali Ismaaciil, iyo masuuliin kale.
Weftigaas diblomaasiyiinta ah ayaa ka socday dalalka Somaliland ka taageera dhinaca horumarinta, doorashooyinka, dimoqraadiyadda iyo arrimaha nabadgeliyada.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee magaaladda Hargaysa oo saacado socday waxaa lagu falan-qeeyay mashaariicda horumarka ee dalka ka socda oo ay wadamadan iyo ururadani qaarkood maalgeliyeen.
Xubnahan weftiga ahaa ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeeyey horumarka ka socda iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa Somaliland iyo beesha calaamka.

Geesta kale weftigani ayaa qiimayn ku samaynaya mashaariicda ay doonayaan in ay Somaliland ka fuliyaan sannadkan.
Dhinaca kale weftigani waxaa ka mid ahayd madaxa Xafiiska dawladda Ingiriisku u soo magacawday dhawaan Somaliland Mrs. Lizzie Walker.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here