Wasaaradda Caafimaadka Oo Wacyigelinta Xanuunadda Gaadhsiinaysa Deegaamadda Miyiga

0
376

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay kulan looga gol leeyahay sidii wacyigelinta caafimaadka loo gaadhsiin lahaa bulshadda.

Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa ayay u jeedadiisu tahay sidii wacygelinta caafimaadka ee xanuunkaloo gaadhsiin lahaa bulshadda ku nool deegaamadda miyiga ah ee aanay wacyigelintu gaadhin

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda caafimaadkaa, dhakhaatiir iyo xubno ka socday haayadaha caalamiga ah ee wasaaradda caafimaadka wada shaqaynta leeyihiin.

Barnaamijkaasi wacyigelineed waxaa si weyn uga faa’iidaysta caruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sanadood iyo hooyooyinka.

Waxaanay muhiimadu tahay in caruurta yar yar  ee aan si cad loo garan Karin xanuunka haya si deg deg ah loo helo cid bulshadda dhexdeedda ah oo fahmi karta ama garan karta xanuunka haya, isla markaana siin karta daawooyinka fudud ee ay u baahan yihiin.

Sidaasina waxaa sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo hadal ka jeediyay kulankaasi wacyigelineed oo soconaya muddo laba maalmood ah.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here