Maayarka Buuhoodle Oo Bulshadda Deegaanka Dogoble U Balan Qaaday Dhismaha Dugsi Waxbarasho iyo Xarun Caafimaad

0
406

Buuhoodle (HP): Maayarka degmadda Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, iyo wefti ay hogaaminayso oo maalmahanba safar shaqo ku maraysay deegaamo ka tirsan gobolkaasi ayaa maanta gaadhay deegaanka Dogoble.

Maayarka waxaa safarkaasi ku wehelinaya xubno ka tirsan golaha deegaanka Buuhoodle iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee isla degmadda Buuhoodle.

Safarka maayarka ayay u jeedadiisu tahay u kuur gelidda baahiyaha aasaasiga ah ee  ka jira deegaankaasi, iyadoona dhamaanba si weyn loogu soo dhaweeyay deegaamadii ay maayarka iyo weftigiisu.

Markii maayarka iyo weftigiisu ay gaadheen deegaanka Dogoble waxay halkaasi warbixino la xidhiidha xaaladaha guud ee nololeed ee bulshadda iyo baahiyaha haysta ka dhegaysatay bulshadda deegaankaasi.

Iyadoo deegaanka Dogoble uu ka arradan yahay dhamaanba addeegyadda aasaasiga ah ee  nolosha sida waxbarashadda, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabaha kaleba.

Maayar Khadiija Axmed Aadan, oo la hadashay dadweynaha reer Dogoble ayaa u balan qaaday in ay u dhisi doonto dugsi waxbarasho oo hoose dhexe, iyo xarun caafimaad, maadaama oo labadaasi ay yihiin waxyaabaha ay sida weyn baahida ugu qabaan bulshadaasi.

DAAWO: Warkaasi:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here