Badhasaabka Sool Oo Shir La Yeeshay Isku-duweyaasha Wasaarradaha Ee Gobolkaasi

0
483

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa shir la yeeshay dhamaanba isku-duweyaasha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee  ka hawl galla gobolkaasi.

Shirkaasi oo ka qabsoomay xafiiska badhasaabka, isla markaana uu isagu shir-guddoomiyey waxaa ku wehelinayay oo ka qayb galay agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile.

Waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray adkaynta ammaanka, ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka Covid-19, iyo qodobo kale, sida uu sheegay badhasaabka Sool oo kulankaasi ka hadlay.

Waxaanu yidhi, “Waxaan maanta kulan la qaatay, dhammaan isku-duweyaasha ee gobolka ee wasaarradaha iyo haayadaha kala duwan ee xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ugu qaabilsan gobolka Sool.

Shirkan muhiimka ah oo aan shir guddoomiyey ayaanu diiradda ku saarnay adkaynta ammaanka, ka hortegga iyo la tacaalidda Covid-19, waxaana kulanka nagala qayb-galay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile”.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadalka sii watay waxa uu yidhi,“Ka maamul ahaan, isku-duwe-yaasha iyo Agaasinka Madaxtooyada oo ay sharaf noo ahayd inuu shirkan nagala qayb-galo ayaa intuu uu socday, waxaa isku dhaafsanay aragtiyo, talooyin & tusaale-yaal wax ku ool u ah mawduucyada ajanadayaasha shirkan uu khuseeyey”.

“Waxaan isla qaadanay maamul iyo qaybaha bulshadu-ba wadajir inaynu nabadda, midnnimada, horumarkeena iyo ka horte-ga Covid-19 in aynu uga hawl-galno masuuliyad wadareedna ay dhammaanteen inagu wada tahay. Kulankan ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here