Warbixin Shaacisay in Somaliland Ka Nabadgelyo Badan Tahay London

0
680

London (Hargeisa Press.com): Warbixin ay baahisay laanta af Ingiriisiga ee dunidda la hadasha ee  Idaacadda BBC-da,  ayaa lagu sheegay in Boqolaal Dhallinyarro ah u Ingiriiska u dhashay  la geeyo dalalka Geeska Afrika si ay uga badbaadaan faldambiyeedyada Mindiyaha lagu galo oo ku soo batay Ingriiska.

Warkaasi waxa uu intaas ku daray In Boqol qof Mindi lagu dilay sannadkan dalka UK, iyadoo  oo Boqolkiiba Siddeed dadkaas la dilay ay ahaayeen  Dhallinyarada Soomaalida Ingiriiska.

Warbixintu waxa lagu waraystay qaar ka mid ah  waalidka Soomaalida, kuwaasi oo caddeeyey in iyagoo dambiyada kala cararaya caruurtooda ay u diraan dalal Somaliland iyo Kenya ka mid yihiin oo ay u doorbideen dhinaca ammaanka.

Siday baahisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo turjuntay warkaasi, Gabadh la yidhaahdo Hooyo Aamina ayaa sheegtay inay wiilkeeda oo 15 jir ah u dirtay Somaliland, markii ay aragtay inuu ku dhex milmay dhallinyaro cusub oo ay rafiiqeen.

Waxaanay intaas ku dartay in Sannadkii uu Somaliland joogay uu inankeedu hagaagay oo uu xiiseeyey inuu sii joogo halkaas.

Haweenaydaasi  waxay xaqiijisay 17 maalmood ka dib, markii dib loogu soo celiyey Ingiriiska bishii November ee Kal-hore in Booliska London qabteen afar jeer oo uu noloshiisu diiqad gashay.

Hooyo Aamina waxay ku dooday in markii uu inankeedu joogay Somaliland uu boqolkiiba boqol ka badbaado ku naaloonayey, waxaanay tidhi; “Somaliland wuxuu ku noolaa amni iyo badbaado marka loo eego xilliga  uu joogo UK , waxaanu  boqolkiiba boqol ku badbadayey Somaliland oo uga ammaansan London.”

 

Waxa soo turjumay Cumar M. Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here