Ardaydii Dhamaystay Barnaamijka Shaqo Qaran Oo Lagu Soo Dhaweeyay Burco Boorama iyo Gabiley

0
1212

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Qaybo ka mida dhalinyaradii soo dhamaysatay barnaamijka shaqo qaran oo muddo saddex bilood ah uu tababar uga socday degaanka Dar-darweyne oo woqooyi bari ka xiga magaaladda Hargaysa ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalooyinka Burco, Boorama iyo Gabiley.

Ardaydan soo dhamaystay barnaamijka shaqo qaran oo tiradoodda guud dhan tahay  1500 oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Axadii todobaadkan u soo xidhay tababarka.

Gobolka Awdal waxaa lagu soo dhaweeyay 150 dhalinyaro ah oo soo dhamaystay barnaamijka shaqo qaran. Halka magaaladda Burco-na lagu soo dhaweeyay qaybo ka mid ahaa dhalinyaradaasi oo ka kala socday Laascaanood iyo Burco.

Sidoo kale magaaladda Gabiley ayaa iyana maanta waxaa gaadhay ardaydii degaankaas ka soo jeeday ee soo dhamaystay tababarka shaqo qaran.

Dhalinyaradaasi waxaa magaalooyinkaas ku soo dhaweeyay badhasaabadda, maamulka dawladaha hoose iyo dadweyne kaloo badan.

Halkan Hoose Ka Daawo Qaabkii Burco, Boorama iyo Gabiley dhalinayradaas loogu soo dhaweeyay:

Burco:

Boorama:

Gabiley:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here