Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Ka Furmaya Magaalada Laascaanood

0
1952

Laascaanood (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool, si habsami leh uga socda qaban-qaabada Shir ay halkaasi ku yeelanayaan Odayaasha Dhaqanka ee deeggaanka.

Dowladda Somaliland, ayaa aad u adkaysay aamaanka magaalada Laascaanood, kahor shirka ay qabanayaan Odoyaasha Dhaqanku, iyadoona ay amniga magaalada iyo ka shirkaba ay sugayaan Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Dhamaan odayaasha dhaqanka ee gobolka Sool iyo deegaanada ku dhow dhow, ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaasi oo ka qayb galaya shirka.

Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee dhawaan shirku uga furmi doono magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in shirku uu dhawaan furmi doono, isla-markaana uu rajaynayo in uu jawi wanaagsan ku soo dhamaado.

Garaadka, ayaa sheegay in shirka Odayaasha Dhaqanka oo dhawaan dhici doonaa uu ka qabsoomayo guriga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isagu gogosha dhigay, waxaanu sheegay in nabadgalyada shirka aad loo adkeeyay, balse aan weli la dejin ajendaha shirka.

Waxaa sidoo kale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku sugan Madaxda kala duwan ee Dowladda Somaliland oo shirka ka qayb galaya.

Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay weli hawlahooda si buuxda uga wadaan magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool, iyagoona sii wadi doona shaqada ay u xil saaran yihiin oo ah nabad geliyadda qaranka Somaliland, haday xuduudka tahay iyo haday tahay ta gudaha-ba in ay ilaaliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here