Ilhaan Cumar oo Laga Saarayo Guddiyada Congress-ka Mareykanka

0
1545

Washington (Hargeisa Press) – Afhayeenka Jamhuuriga ah ee Aqalka Hoose ee Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy, ayaa toddobaadkan sheegay inuu saddex xildhibaan oo dimoqraadi ah ka hor-istaagi doono ka mid noqoshada guddiyada sirdoonka iyo arrimaha dibedda.

Saddexdan xildhibaan oo kala ah, Ilhaan Cumar, Adam Schiff iyo Eric Swalwell, ayaa go’aanka afhayeenka ku tilmaamay mid laga xumaado.

Xubnaha Aqalka Congaress-ka ee dalka Mareykanka, ayaa isweydaarsaday haddallo kulul oo ku aadan go’aanka McCarthy, iyadoo go’aankan uu imanayo laba sano kadib markii Dimuqraadiyiintu ay laba xubnood oo Jamhuuriya ka saareen guddiyo.

Hoggaamiyayaasha Golaha Aqalka Sare ee Mareykanka, ayaa intii lagu jiray shirkoodii toddobaadlaha ahaa waxay dhex mareen liis ay ku qoran yihiin hadalladii muranka dhaliyay ee Ilhaan Cumar tan iyo markii ay gashay Congress-ka.

Xildhibaan Don Bacon, ayaa waxaa uu sheegay inuu u codayn doono in Ilhaan Cumar laga saaro guddiyada sirdoonka iyo arrimaha dibedda ee golaha.

Bacon, waxa uu sheegay in inkasta oo aanu doonayn in uu caadi ka dhigo dhaqanka ka joojinta sharci-dajiyayaasha guddiyada, haddana aanu doonayn in uu Ilhaan Cumar siiyo codkiisa ka dib markii Dimuqraadiyiintu ay dhowr Jamhuuriya ka mamnuuceen guddiyada 2021-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here