Itoobiya iyo Sudan oo Heshiis Ka Gaadhay Murankii Biyo-Xidheenka Webiga Nile

0
707
Webiga Nile
Webiga Nile

Khartoum (Hargeisa Press) – Hoggaamiyaha milateriga Sudan, ayaa sheegay in Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan biyo xidheenka weyn ee Itoobiya.

Biyo xidheenkan, ayaa lagu muran sanaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Sudan ee Suna.

Isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya.

Abiy Ahmed, ayaa waxaa uu sheegay in biyo xidheenka webiga Nile aanu wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka faa’iidaysan doono maamulka Khartoum dhanka korontada.

11-kii bishan January, ayaa wasiirada arrimaha dibadda ee Sudan iyo Masar waxay ku heshiiyeen in la sii wado wada tashiyada ku saabsan biyo xidheenka Itoobiya.

Maamulada Addis Ababa iyo Khartoum iyo Masar, ayaa waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan biyo-xidheenka, kaasoo dowladda Sudan iyo maamulka Qaahira ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga ay ka helaan biyaha webiga Nile.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here