“Waraaqdaasi waxba kama jiraan waana been abuur cad”…

0
643

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa beeniyay jiritaanka waraaq lagu shaxeeyay saamiyada ay goboladda dalku ku kala leeyihiin sanduuqa horumarinta ee SDF.

Waxaanu tilmaamay in waraaqdaasi ay tahay been abuur cad iyo waxba kama jiraan, taasoo maalmahan la isla dhex marayay oo lagu shaxeeyay saamiyada ay goboladda dalku ku kala leeyihiin sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Wasiirku waxa uu sheegay in waraaqdaas aanay waxba ka jirin shaxda lagu sameeyay oo saamiga gobolka Togdheer lagu sheegay 5%. Waxaanu tilmaamay in waraaqdaasi uu faafiyay nin wariye ah.

Xasan Gaafaadhi, oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargaysa waxa uu cadeeyay in weli aan la soo saarin shaxda lagu qorshaynayo sida ay goboladda dalku u kala heleen mashraariicda sanduuqa SDF.


Waxaanu yidhi “Waxaa illaa shalay dalka dhex marayay waraaq shax ah oo ka hadlaysa sida loo qaybiyay barnaamijka sanduuqa horumarinta ee SDF, oo lagu sheegayo sida ay goboladu u kala heleen barnaamijyada horumarinta.

Shaxdaas iyo qoraalkaas dalka la’la dhex wareeyago waxaan caddaynayaa in aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay cid ogi jirin”.

Waxaanu intaas raaciyay “Illaa hadda madaxda SDF-na ma sheegi karaan siday goboladu u kala heleen. Sababtoo ah? mashruuca hawlihiisa qabyo ballaadhan ayaa ku jirta, qaybo badan oo ka mid ah ayaana weli aan soo dhammaan.

Anigoo wasiirkii wasaaradda qorshaynta qaranka ahi-na, hadda ma sheegi karo. Hawl wadeenada SDF-na ma sheegi karaan”.

Geesta kale wasiirka qorshayntu waxa uu sheegay in weriyaha qoraalkaasi baahiyay ay la xisaabtami doonaan, isla markaana aanay sidaas kaga hadhi doonin.
“Markaa waraaqdaa innanka weriyaha ahi u soo qoray, ee uu oo shaxeeyay, waxba kama jiraan. Waana been abuur cad.

Waxaa loo baahan yahay qofka weriyaha ahi in uu ka fiirsado waxa uu qorayo, ee uu ummada u soo bandhigayo.
Waanan kula xisaabtamaynaa, halkaa-na kaga hadhi mayno” ayuu yidhi wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland.

Dhinaca kale waraaqdan oo lagu baahiyay baraha bulshadda ee Internet-ka ayaa si weyn looga fal celiyay, iyadoo xataa xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Burco ay sida Fiinta uga qayliyeen.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here