Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socday UNCDF

0
656

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday hay’adda UNCDF.

Hay’adan UN Capital development fund (UNCDF) ayaa u qaabilsan adduunka horumarinta dhaqaalaha ee dawladda hoose oo uu hoggaaminayay David Jackson oo ah agaasimaha guud ee 39-ka dawladdood ee ka soo koraya dhinaca dhaqaalaha.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay horumarinta dawladdaha Hoose ee JPLG-ga, waxaanu madaxweyne ku xigeenku warbixin ka siiyey madaxa weftiga halka uu marayo horumarinta dhaqaalaha dawladdaha hoose ee Somaliland oo ay taageerto hay’addani.

Isagoo uga mahad celiyey doorka hay’addaha UN-ku ay ka qaataan ka midho dhalinta barnaamijka JPLG guud ahaan iyo khaasatan doorka horumarinta dhaqaalaha ee ay hay’adda UNCDF ay ka taageerto Dawladdaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaasu ayaa si weyn loogu lafo-guray balaadhinta barnaamijkan si loo wada gaadho degmo doorashooyinka dalka mustaqbalka iyo sidii fiiro gaara loo siin lahaa caasimada dalka.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku u caddeeyey masuuliyiintaasi in qaybtii kaga aadanayd dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dhinaceeda bixisay, gobolada barigga-na ay ka bilawday barnaamijka JPLG.

Gunaanadkii waxa la isla qaatay in xukuumadda iyo hay’adda UNCDF ay si wada jira uga wada hawlgalaan kobcinta dhaqaale ee lagu horumarinayo barnaamijkan dawladaha hoose.

Geesta kale waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey kulanka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska JPLG-ga u qaabilsan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Dhinaca weftiga UNCDF-na waxa ku wehelinaayey agaasimaha UNCDF, Dmitry Pozhidaev oo ah masuulka xafiiska geeska Afrika u qaabilsan hay’adda, Anka Kitunzi oo u qaabilsan Xidhiidhka hay’adda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo masuuliyiinta xafiiska Somaliland ay ku leedahay Hay’addu.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here