Buuhoodle: Guddiga Dhismaha Masaajidka Shangale Oo Fariin U Diray Bulshadda

0
797

Buuhoodle (HP): Deegaanka Shangale oo shan kiiloo mitir u jira degmadda Buuhoodle ayaa bilaabay dhismaha masaajid ay ku cibaadaystaan bulshadda halkaas ku nool.

Iyagoo hada ka hor ku tukan jiray mawlac yar oo cariish ah ama ka samaysan qoryo iyo dhoobo.

Dhismaha masaajidkani oo meel fiican maraya ayaa istaagay, kadib markii sida la sheegay loo waayay dhaqaale lagu siiwado,. Sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Jaamac Yuusuf Maxamed, oo ka mida guddida dhismaha masaajidkaasi ayaa wasaaradda diinta iyo awqaafta, tujaarta iyo bulshadda kheyrka jecel ugu baaqay in ay gacan ka siiyaan, dhammaystirka dhimsmaha masaajidkaasi.

Oday Jaamac Yuusuf Maxamed, oo ka mida guddida masaajidka deegaanka Shangale ayaa yidhi “Guri yar oo tobanka qof ku tukato ayaa masaajid u ah.
Qofka dariiqa iyo makhaayadaha iyo dhirta hadhkeeda ayay bulshaddaasi ku tukan jireen.

Arrintaasi waxay noqotay maaliyadd na in aanu u waynay, markii aanu xusuusanayna ay naga dhammaatay abaaro ay dhaceen, bulshadii ay soo urrurtay.

Waxaanu halka ka taagnay intaa idin muuqata halkaasi ayay nala mareysaa waxna ku dari kariweynay halkaasi ayay naga fadhiisatay, dadka Islaamka ah ee masaaajidkani wax ku darsanaya iyo bulshadda deegaankaba ee tabarucaad wax u saaraya haday hay’addaha tahay”.

Sidoo kale Oday Jaamac waxaa uu wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland ugu baaqay inay kala qayb qaataan dhameystirka masaajidkaasi.

Waxaanu yidhi, “Qofka Islaama oo wixii wax ku darsanaya masaajidka meel wax la dhigto oo ka wanaagsan ma jirtee, waxaanu leenahay wixii ayna tari karaan hanagu taraan cidii wax la baxeysa, maada awooda dhaqaale ay halkaasi na dhigtan.

Awood kale-na ma heyno itaalkaayagiina waxaasi ayuu noqday, cidkasta wax na tari karta waxaanu leenahay hanala dhisaaan masaajidkaasi oo ay wasaaradda diinta iyo awqaaftu ugu horeyso”.


Waxaanu intaas raaciyay, “Tujaarta waxaan leeyahay waxaan leeyahay wixii ay ku darsanayaan haku darsadaan oo han aga taageeraan dhameystirka masaajidkani”Ayuu yidhi Jaamac Yuusuf Maxamed kana mida guddida masaajidka cusub ee deegaanka Shangale.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here