War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo Ka Soo Horjeestay Wareegtadii Uu Soo Saaray Wasiir Maxamed Kaahin

0
1288

Gabiley (Hargeisapress)- Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Cali oo kamida Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa si aadag uga soo horjeestay wareegtadii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed uu ku Mabnuucay in Goleyaasha deegaannada dalku yeeshaan Fadhiyo aan caadi ahayn, si loogu ridin Maayarrada iyo ku-xigeennadood.

Wareegtada Wasiir Maxamed Kaahin soo saaray ayaa kusoo beegmaysa xili khilaafka golaha deegaanka Gabiley marayo meel xasaasiya islamarkaana ay Wasaarada aarimaha Guduhu ku jirtay xal u helidiisa, taasi oo loo balansanaa in ay war kasoo saarto wakhtiga ay soo saartay wareegtada fadhiyada lagu mamnuucay.

Xildhibaan Cabdicasiis oo u waramay Shabakada HargeisaPress ayaa si adag uga horyimid wareegtada Wasiirka Arimaha Guduhu soo saaray. isagoo sheegay in Wasiirka Maxamed Kaahin aanu joojin karin rabitaanka Golaha Deegaanka Gabiley iyo doonista aqlabdiyada Xildhibaanada Gabiley, Waxanu Wasiir Maxamed Kaahin uu ku eedeeyay in uu ku fashilmay shaqadii qaranka ee loo igamaday iyo xal u helida Colaada Deegaanka Ceel-afwayn.

“Wasiirka Arimaha Guduhu wuxu jabiyay xeer kamida Xeerarkii Dalka, isagoo gabi ahaanba baalmaray shuruucdii dalka iyo nidaamka u yaala Wasarada Arimaha Gudaha iyo wada shaqaynta Golayaasha deeganka, Maxamed Kaahin haduu laaluush ka qaatay Maayarada aqbalimayno, waanan qabsanaynaa kalfadhigii, awoodna umalaha, ina kaahin wuxuu doonayaa in ay is dilaan Xildhibaanadu, Waana lays dilayaax.

Wasiirka arimaha guduhu hadii aanu lahayn awood uu ku kala saaro gole deegaan oo is qabsaday kursiga hayskaga tago oo habaneeyo kursiga, nabadgalyo darada dalkana isagaa wada wuuna ku fashilmay Wasaaradii, Beesha Caalamkana iyo umada Somaliland waxaan u sheegayaa wixii dalka ka dhaca waxaa ka masuul ah Wasiir Maxamed Kaahin

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdicasii ayaa fariin  u diray Madaxwaynaha Somaliland. “Madaxweynaha waxaan leeyahay Saxiibkaa wuu ku fashilmay shshaqadii Wasaarada Arimaha Gudaha ee u bedel Wasaarad kale.

 

Hargeisa Press.com/Gabiley Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here