Somaliland: Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Ka Hortaga Maydhista Lacagaha

0
960

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay Xeerka ka hor taga maydhitaanka lacagaha, kaasoo hadda loo bedelay xeerka Maydhaanka lacagaha qalaad.

Fadhiga maanta ee golaha oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, ayaa dood iyo falan-qayn dheer kadib waxaa cod loo qaaday xeerkaasi.

Ka hor intii aanay mudaneyaashu ansixinin xeerkaasi waxaa xildhibaanadda ka hor akhriyay qaar ka mida qodobadda ku jira xeerkani xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Somaliland C/rasaaq Siciid Ayaanle.

Waxaanu yidhi “Lacagaha sharci darrada ah iyo maalgelinta argagixisadda. In uu jideeyo tallaabooyinka lagula dagaalamayo xad-gudubyadda la xidhiidha Maydhaanka lagacaha iyo maal-gelinta argagixisadda.

In uu sharci u dhigo aqoonsiga raad-raaca xayiraadda qabashadda iyo  la wareegidda dheefaha lagu kasbado fal-danbiyeedyadda la galay iyo u jeedooyinka la xidhiidha. Haddii qof ama shirkadi ay sameeyeen arrintaasi waxay ku kaceen fal-danbiyeed maydhitaan lacageed”.

Intaas ka dib ayaa guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, waxa uu ku dhawaaqay siday codayntaasi u dhacday.

Markii codka gacan taaga ah loo qaaday xeerkaasi waxaa ogolaaday 33 mudane, shan xildhibaan ayaana diiday, shan xildhibaan ayaana ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codaynin, sidaas ayaanu ku ansaxay.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here