Abwaan Weedhsame oo Shaaciyay Inuu Dhawaan Soo Saari Doono Maanso Cusub oo La Magacbaxday “ADDOONKII AB-TIRSIINTA”

0
1411

Hargiesa (Hargeisapress)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame oo Kamida Abwaanada sida wayn looga yaqaaano dhulka Somalidu degto islamarkaana caan ku ah suugaanta lagu toosinayo madaxda talada Somaliland haya, ayaa shaaciyay in uu dhawaan soo saari doono maanso cusub oo ka hadlaysa sida shacabka qaar loogu Adoonsado Abtirsiinta iyo Haybta Qabiilka taasi oo lagu magacaabo ‘ADDOONKII AB-TIRSIINTA’, Iyadoo sida uu Abwaanku sheegay tixdan uu ku xorayn doono Dhalinyarada lagu adoonsaday adeernimo iyo haybta qabiilka.

Sidoo kale, Abwaan Weedhsame ayaa waxaa uu dhaliilo xoogan u jeediyay Madaxda Shacabka ku yidhaahda Reernimo igu difaaca isagoo bulshada masuul u wada ah.

Abwaanka ayaa sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartauu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga waxaanu u dhignaa Sidan:-

“ADDOONKII AB-TIRSIINTA Waa tix Aan ku Xorayn Doono Inamada Adeeradood U Af-duuban. Ciyaalo-adeero waabay cadhoonayaan!!!!

Dawladnimadu xoolo reerkiinu leeyahay maaha, Ninka madaxda ahinadadka waa u dhex, hadduu xisbi hoggaamiyo iyo hadduu xil kale hayaba. Hadduu isagu iga difaac dadkayga ku yidhi waa gunnimo iyo dhaqan cusub oo hor leh, haddaad is xil-qaanteena waad xiiqaysaan.”

Markaad hebel duqaysaa

Reer hebel damqanayaa Gaarriye

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here