Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Djibouti oo Muqdisho yimid + SAWIRRO

0
1046
Muqdisho, (HargeisaPress) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kasoo dagay Muqdisho, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka mid ah golayaasha dowladda Somalia.
10917857_854351754611389_1608507260730444914_n

Geelle ayaa dhagax-dhigi doono xarunta Akadeemiyad goboleedka Af Soomaaliga oo xaruntiisu noqon doonto Muqdisho, wuxuuna ka qaybgeli doonaa munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo oo lagu qaban doono Hoteelka City Palace.

Amniga Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wufuud kala duwan oo ka socda ka deegaanka looga hadlo afka Soomaaliga ee Kenya iyo dalka Itoobiya.

10993410_854351684611396_451508429211231666_n

Sidoo kale, waxaa socota qaban-qaabada munaasabada lagu xusao Afka Soomaaliga, iyadoo lagu xardhay hoteelka ay ka dhacayso agabyo kala duwan oo ay Soomaalidu hidde iyo dhaqan u leedahay.

Jidka Maka Al-mukarama oo ah kan ugu muhiimsan Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidammo fara badan oo ilaalinaya, inkastoo gaadiidka iyo dadku ay si caadi ah u isticmaalayaan.

15882_854351831278048_2011094383421073544_n

Booqashadan madaxweynaha Jabuuti ayaa noqonaysa tii labaad oo uu ku yimaado Muqdisho, isagoo horay u soo u soo booqday xilligii ay abaaraha macluusha sababay ka dhaceen Soomaaliya sannadkii 2011-kii.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here