Nuxurka Qodobo Lagu Soo Afjaray Murankii Hogaanka Dalladda SONYO

0
934

Hargeysa, (HargeisaPress) — Murankii ka taagnaa  Hogaanka Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa la soo gabo-gabeeyay, kadib markii laba garab awood qaybsi sameeyeen. Kulan ay yeesheen Labada garab ee Sonyo u kala fadhiday muddada,Guddi isku xilqaantay ka garnaqidda Muranka iyo wasiirka Ciyaaraha ayaa lagu shaaciyay Go’aanka labada dhinac kuwada qanacsan yihiin.

“Waxaa soo afjarmay Muranka dhex jiray Dalladda SONYO, taasi oo aan cid kasta oo ka soo shaqaysay dhamaystirka muranka aan uga mahadnaqayo.Maantana waxaa inoo farxad ah in Khilaafkaasi soo afjarmay, hawshiina waxaanu ku dhamaynay In Siyaad Cumar Cali ahaado Gudoomiyaha Dalladda SONYO. Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo isaguna ahaa Nin hawl badan soo galay oo tartamayayna waxaanu isla garanay inuu noqdo Agaasimaha fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, Xubnihii Boodhkana waa laga heshiiyay” ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid Raysal oo heshiiska hogaanka SONYO sharaxayay.

Gudoomiyaha SONYO, Siyaad Cumar Cali, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay inuu mahadcelinayo dhinacyada ka soo shaqeeyay dhamaynta muranka Sonyo, oo uu sheegay inay hawlahooda faraha uga qaadeen sidii SONYO loo badbaadin lahaa.

Cabdicasiis Xirsi Warsame oo hore ugu tartamayay Gudoomiyaha haatana ah Madaxda Sanduuqa horumarinta Dhalinyarada ayaa isna dareenkiisa muujiyay “Sidaas wasiirku sheegay hawsha waxaanu ku dhamaynay in dhinac waliba guulaysto. Waxaanu garanay inaanu Saaxiibkay Siyaad uga tanaasulo Gudoomiyaha SONYO, annigana uu igula shaqeeyo Kursigaa cusub, labaduba waa laba dedaal oo dhalinyarada wax u tari doona isku meelna waanu u soconnaa. Xubnihii Boodhka ee muranku ka taagnaana dhamaan waa lagu heshiiyay” ayuu yidhi Mr Cabdicasiis.

Muranka SONYO, ayaa soo jiitamayay muddo dhawr bilood ah kadib markii lagu kala kacay Shirweynihii 7-aad ee Dalladda oo hogaanka lagu dooran lahaa.labada dhinac ayaa ku kala duwanaa sifaha hogaanka lagu doortay, iyadoo qolo waliba iskeed isku cumaamaday.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here