Waddani oo Ka Soo Hor-jeestay Inuu Dhacay Liisankii Xisbiyadu

0
1388

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka soo hor jeestay go’aankii Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland ay soo saareen.

Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland, ayaa war ay shalay soo saareen waxay ku sheegeen in uu dhamaatay muddadii sharci ee la doortay saddexda xisbi qaranka ee hada jira ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani.

Hadaba, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo hadal ka jeediyay Shirwaynaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa sheegay in xisbiyadu ay sharciyad ku joogayaan inta doorasho lagu bedelayo.

Guddomiye Xirsi Cali, ayaa waxaa uu sheegay in xisbiyadda qaranka ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani aanay la mid ahayn Madaxweynaha, isla-markaana ay yihiin hay’addo.

Waxaa uu sheegay in hay’addaha marka la doorto lagu bedeli karo uun doorasho kali ah, oo ay sii joogayaan inta doorasho laga gaadhayo.

Hadalka guddomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa ka jawaabay Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo shirka ku sugnaa.

Waxaanay sheegeen in saddexda xisbi ee hada uu ka dhamaaday liisankii sharci ee ay ku shaqaynayeen 10 kii sanno ee la soo dhaafay.

Si kastaba, saddexda xisbi qaran ee hada jira ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani oo la soo doortay 28, 12, 2012-kii, ayaa 10-kii sanno ee la doortay ku eekayd shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here