Wacyigelinta Ilaalinta Deegaanka oo Loo Qabtay Degmooyinka Dalka Qaarkood

0
419

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa maanta furay kulan hawleedka Wacyigalinta Ilaalinta Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada ee Degmooyinka Hargeysa, Berbera, Gabiley, Salaxley iyo Balligubadle.

Kulan hawleedkan oo ay soo soo agaasintay Waaxda Fayo-dhowrka Deegaanka iyo Bilicda Magaalooyinka ee wasaaradda deegaanka ayaa noqon doona mid taxane ah oo degmooyinka dalka la gaadhsiin doono.

Taasi oo wacyigalin iyo Tababar lagu siinayo qaar ka mid ah shaqaalaha dawladaha hoose iyo Guddiyada xaafadaha degmooyinka kala duwan ee ku kala yaalka degmooyinka tababarka loo furay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo kulan hawleedkaasi furey ayaa ka qayb galeyaasha kula dar-daarmay in wxyaabaha ay kulanka ka bartaan ay ku maamulaan nidaamka fayo-dhawrka degmooyinka ay kala kala socdaan.

Waxaana furitaanka kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadda UNDP, iyo saraakiil ka socday mashruuca JPLG oo ay wada shaqeeyaan dawladaha hoose ee Somaliland.

 

DAAWO: Hadalkii Agaasimaha Guud ee Furitaanka Kulan Hawleedkaasi:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here