“Waa In Qiimaha Maceeshada La Jebiyaa”…Xildhibaan Maxamed-weli

0
815

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay maceeshada qaaliga ah iyo qiimaha sarifka ee jabay, waxaanu ku baaqay in wax laga qabto qiimaha maceeshada.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ku baaqay in laga faa’iidaysto biyaha roobka.

Waxaanu ugu horeyn  yidhi isagoo ka hadlaya maceeshada “Qiimihi sarifku wuu jabay, xukuumadda-na waan ku bogaadinayaa Siyaasadeeda ku waajahan sicir bararka iyo qiimaha sarifka.

Laakiin iyadoo sarifkii inoo jabay, haddana maceeshadii  waa qaali, dadkii masaakiinta ahaana wali wey dulman yihiin, oo culayskii uu haystaa, ee waxaan Xukuumadda kula talinayaa inay maceeshada wax ka qabato.

Ganacstadu-na dantooda oo qudha yaanay eegan ee dadkooda hoos u ha eegaan, oo maceeshada ha u jabiyaan”.

Mar uu xildhibaanku ka hadlaayey roobabka curtay ayaa yidhi “Mar haddii uu Rabi inaga dulqaaday abaartii, oo roobkiisi iyo raxmadiisi ina siiyey, waa inaynu u shugri naqnaa mar walba.

Maxaa yeelay? Rabi cid aan ahayn oo dhibka iyo abaarta inaga dulqaadi kartaa ma jiro, ee wakhtiga abaarta iyo iyo wakhtiga barwaaqadaba inaynu wel-wel, walaac, walbahaarno  ma aha.

Mana  aha in aynu quus v iyo niyad jab soo istaagno  ee waa inaynu ka faa’iidaysanaa biyahaas roobka ee uu Rabi ina siiyey, waana in aynu qorshe aynu kaga faa’iidaysanayno la nimaadna.

Waa inaynu wax beerana, oo aynu wax la soo baxnaa, si aynu uga maarano wax badan oo dalka dibadiisa inooga yimaada”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

Xigasho: geeska Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here