Maxkamadda G/Maroodijeex Oo Go’aan Ka Saartay Kiiska Xawaaladii Qaran

0
1121

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa go’aan ka soo saartay dacwadda shirkadii xawaaladda lacagta ee QARAN oo dhawr sanadood ka hor kacday, taasoo dacwadeedu muddo lix sanadood ah socotay.

Guddoomiyaha maxkamadda Maroodijeex garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu soo dhamaaday kiiska dacwadeed ee xawaaladaas kacday ee Qaran.

Guddoomiyaha maxkadda Maroodijeex oo sharaxaad ka bixinayay marxaladihii kala duwanaa ay dacwadda xawaaladaas kacday soo martay, waxa uu yidhi  “In xawaaladii Qaran kacday waa la wada og yahay. Waxaanan maanta halkan ka shaacinaynaa in maxkamadu ay martay dhamaanba nidaamkii dacwadeed ee loo baahnaa.

Maxkamadu waxay u yeedhay cidii masuulka ka ahayd shirkadaasi, waxaanay maxkamadu ka dhegaysatay sababtii keentay in shirkadu kacdo. Wixii su’aalo ahaa ee la qabayna waa la waydiiyay”.

“Maxkamadu tallaabadii labaad ayay qaaday, waxaanay u magacowday guddi ay ka soo kala xushay sheerleyaashii. Waxaa tallabaadaas ay maxkamadu ku xigsiisay in ay tiro-koobto hantidii ay shirkaddii Qaran lahayd.

Waana la tiro-koobay dhamaanba wixii hanti ay lahayd xawaaladii Qaran ee kacday. Waxaanay maxkamadu qaraar ku soo saartay in ay shirkadaasi kacday. Iyadoo cid gaara oo maxkamadda uga masuul noqota-na loo magacaabay, maadaama oo ay kiiska maxkamadu maamulayso oo ay meesha ka baxday xawaaladii Qaran.  Waxaana loo magacaabay kaaliyaha maxkamadda wixii dhaqaale ah in uu la socdo”ayuu yidhi garyaqaan Dalmar.

Guddoomiye Dalmar, waxa uu tilmaamay in markii baadhitaan dheer  iyo tiro-koob lagu sameeyay wixii hanti ah ee ay shirkadaasi yeelatay uu noqday Fooqa xarunta dhexe u ahaa oo ku yaala magaaladda Hargaysa.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxaana soo dhamaaday dhamaanba hanaankii sharci ee loo mari jiray shirkad kacday, ama ha yaraato ama ha waynaato, ee ku xusan Fiqigeena (shareecadda),  iyo xeerkeena habka madaniga ah iyo habka ciqaabta labadaba.

ilaa sanadkii 2013-kii, intaasoo dariiqo ayay maxkamadu soo maraysay. Maanta-na waxay u bislaatay dacwadaasi fulin. Hantidiina way tiro-kooban tahay. Hantidda ay xawaaladii kacday ee Qaran yeelatay, maxkamadu markii ay baadhis dheer samaysay wuxuu noqday, dhismaha Fooqa ah ee ku yaalla badhtamaha Hargaysa.

Hantida ma guurtadda ah, ee xawaaladaas kacday  ee Qaran ka hadhay, wuxuu noqday Fooqaas, oo guddidii ay maxkamadu u xil-saartayna ay ka markhaati kacayaan”.

Garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa ugu danbayn waxa uu ku dhawaaqay go’aanka ay maxkamadu ka soo saartay wixii hanti ah ee ay shirkaasi lahayd.

Waxaanu yidhi “Maanta waxaanu ku dhawaaqaynaa, oo aanu u sheegaynaa ummada Somaliland oo dhan, inta Af-Soomaaliga ku hadasha iyo bani’aadam oo dhan.

Gaar ahaana reer Somaliland, maadaama oo dhismaha Fooqu Somaliland ku yaallo, cidda danaynaysa iibka Fooqa Qaran in uu iib yahay”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here