“Ururkani ma aha mid Harti ama Dhulbahante waa mid”….

0
623

Hargaysa (HP): Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo ah guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee ururka SPP oo maanta lagaga dhawaaqay magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in ururkaasi uu yahay mid ku salaysan wada lahaanshiyo.
Iyadoona la doonayo ama qorshuhu yahay in ay ka soo baxdo midnimo buuxda oo dal iyo dad ba ah, isla markaana ay midnimadaasi ka soo bixi doonto aqoonsi deg deg ah oo ay hesho jamhuuriyadda Somaliland.

Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo khudbad ka jeediyay munaasibadii lagu shaacinayay ururka SPP waxa uu sheegay in ururkani uu ku yimid kadib markii deraasad lagu soo sameeyay baahidda ah in la sameeyo.
Sidaas darteedna ururkani uu yahay urur ka madax banaan qabyaalada, isla markaana ururkani SPP u taagan yahay la dagaalanka qabyaaladda, oo uu tilmaamay in ay tafaraaruq iyo kala qaybin ka dhex abuurtay bulshadda reer Somaliland.
Taasoo uu tilmaamay Dr. Xaglo-toosiye, in ay tahay sida keliya ee lagu gaadhi karo in la helo aqoonsiga ay Somaliland mudadda dheer raadinaysay.

DAAWO: Khudbadii Saleebaan Xaglo-toosiye:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here