Ururka Somaliland Y-PEER Oo soo dhoweeyay digreetada Madaxweynuhu ku shaaciyey in ay noqoto 20-ka February Maalinta Dhallinyarada Somaliland

0
1224
Ururka Somaliland Y-PEER

Hargeysa,(HargeisaPress) —Ururka Somaliland Y-PEER waxay soo dhoweynayaan digreetada Madaxweynuhu ku shaaciyey in ay noqoto 20-ka February Maalinta Dhallinyarada Somaliland

Ururka maxaliga ee Somaliland Y-PEER oo ka mid ururada dhallinyarada ka hawl gala guddaha Somaliland, had iyo jeer u heelan horumaring dhallinyarada Somaliland ayaa waxay hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo maanta soo saaray degreeto loogu aqoonsaday in ay 20-ka February noqoto maalinta dhallinyarada Somaliland.

Sidoo kale waxay ururka Somaliland Y-PEER hambalyo u direen dhallinyarada Somaliland meelkasta oo ay joogaan munaasibadda ku xuska maalinta dhallinyarada Somaliland oo ku beegan saadame.

Sidoo kale waxay ururka Somaliland Y-PEER ugu baaqeen dhallinyarada somaliland in ay had iyo jeer ka qayb qaataan horumarka waddanka iyo sidoo kale taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale waxay ururka Somaliland Y-PEER ugu baaqeen ururada ka shaqeeyaa arrimaha dhallinyarada iyo dawladda in ay kordhiyaan dadaalka lagu taageerayo si meesha looga saari dhamaan wax yaabah caqabada ku ah dhalinyarada, gaar ahaan gabdhaha sida gudniinka fircooniga ah.

Ururka Somaliland Y-PEER waxay sidoo kale dhiiri galinayaan siw eyn la siga kaashado siidii dhallinyarada loo bari lahaa xirfadaha kale duwan oo ay ku shaqaystaan/shaqo tagaan, si ay ugu baxaan shaqo la’aanta baahsan ee saamaysay dhallinyarada.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here