Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqan-geliyey Maalinta Xuska Dhalliyarada Somaliland

0
1241

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa 20-ka bisha February u asteeyay inay noqoto Maalinta Dhallinyarada Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay Digreeto uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay. Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Codsiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ee summaddiisu tahay WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Codsi Magacaabid Maalinta Dhallinyarada Somaliland;

Markuu Qiimeeyey: Ahmiyadda ay Dhallinyaradu u leeyihiin Qaranka Jamuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiiri-galiyo;

Wuxuu Go’aansaday

In maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaa sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.”

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here