Ururka Barwaaqo Oo Ceerigaabo Ku Soo Bandhigay Cududda Taageereyaashiisa

0
399

Ceerigaabo (Hargeisa Press): Kumanaan taageereyaasha urur siyaasadeedka Barwaaqo ayaa saaka soo buux dhaafiyay goobtii lagu qabtay hawsha madax taabashadda 1000 qof ee magaaladda Ceerigaabo.
Halka ay ka dhacday madax taabashadda taageereyaasha ururka Barwaaqo oo ahayd xaafadda Bardaha Geerashka Xalaal, ee magaaladda Ceerigaabo waxaa isugu yimid kumanaan taageereyaal ah.

Kuwaasoo muujiyay sida weyn ee ay u taageersan yihiin qorshaha iyo hiigsiga urur siyaasadeedka Barwaaqo, oo uu hogaamiye ka yahay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Ceerigaabo ayaa noqonaysa magaaladii shanaad ee laga fuliyay hawsha madax taabashada 1000 qof ee ururadda siyaasadda Somaliland.
Iyadoo dhamaanba magaalooyinka shanta ah ee madax taabashadda laga sameeyay ururka Barwaaqo uu guul aad u weyn ka keenay.
Isku soo bixii balaadhnaa ee qy maanta taageereyaasha ururka Barwaaqo ku soo bandhigeen magaaladda Ceerigaabo ayaa muujinaysa in ururka Barwaaqo ka gudbay wejiga madax taabashadda 1000 qof ee gobolka Sanaag.

Halka uu sidan oo kale urur siyaasadeedka Barwaaqo taageereyaal mug leg ugaga soo gudbay goboladda Awdal, Maroodijeex, Saaxil, iyo Togdheer, oo hore looga soo fuliyay hawsha tirinta madax taabashadda 1000 qof.
Xaafadda Bardaha Geerashka Xalaal, ee magaaladda Ceerigaabo, oo ahayd goobta lagu qabtay madax taabashadda maanta waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, iyo masuuliyiinta kale ee hogaanka ururkaasi.
Dr. Gaboose, oo la hadlay kumanaankii taageereyaasha ahaa ee isugu soo baxay fagaarihii qy madax taabashadu ka dhacday ayaa dhamaantoodba uga mahad celiyay sida weyn ee ay u muujiyeen taageeradda ay ururka Barwaaqo u hayaan.

DAAWO: Taageereyaasha Barwaaqo Ee Ceerigaabo Oo Cududoodda Muujiyay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here