Madaxweyne Biixi oo Weli Ku Adkaysanaya Inuu Qabanayo Doorashada-Ururrada iyo Xisbiyada

0
1953
madaxweyne-biixi-oo-balanqaad-ka-sameeyay-arrinta-doorashada
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa weli ku adkaysanaya inuu qabanayo doorashada Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada hore u jiray, ka hor doorashada madaxtooyada, iyadoo aan weli la qabyo  tirin Xeerka doorashada Ururrada oo wax ka beddel Golaha Wakiilladu ku sameeyeenna Guurtidu banjarisay bishii hore.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay shirkii golaha Wasiirada ee Khamiistii maanta oo uu shir-guddoomiyay, isla markaana lagu ansixinayay miisaaniyad-sannadeedka 2023, ayaa sheegay in doorashada Ururradu ka soo horraynayso ta madaxtooyada.

“Shirka furitaankiisa waynu wada ogayn Wasiirka maaliyaddu sida uu u soo qorsheeyay miisaaniyadda, xooggana uu u saaray doorashooyinka Axsaabta iyo ta Madaxweynaha oo ku xigta.” ayuu yidhi Madaxwayne Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in 10 milyan ay miisaaniyada ugu jirto diwaangalinta codbixiyayaasha iyo doorashada urrurada, waxa uu sheegay in diwaangalin kali ah lagu wada gali doono doorashooyinka xisbiyada iyo madaxtooyada, si looga fogaado kharash badan.

“Waxa ku lifaaqan tii diwaangalinta oo iyaduna 5 milyan ah, markaa waa 10 milyan xisbiyada kharashkoodu, sidoo kale ta madaxtooyada waxaanu ku galaynaa diwaangalintan, waxan aynu iskugu soo dhawaynayno doorashooyinka, 10 milyan ayaynu dhimaynaa”. ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddiisu ay u jihaysatay sidii doorashooyinka si dhakhso ah loogu qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here