UCID Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Xidhmayaan Qabashada Arraa’jida Murrashaxiinta

0
453

Hargaysa (HP): Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID ayaa shaaciyay wakhtiga kama danbaysta ah ee ay xidhmayaan qabashada Arraa’jida murrashaxiinta uga tartami doona Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka.

Wakhtigaasi oo ay sheegeen inuu ku eg yahay 25-ka bishan February, isla markaana wixii mudadaasi ka danbeeya ay xidhmayso qabashada codsiyada murrashaxiinta doonaya in ay u tartamaan doorashooyinka.

Sidaasina waxaa sheegay xoghayaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbigaasi ee magaaladda Hargaysa.

C/naasir, waxa uu intaaasi ku daray inay muddo 10 maalmood ah ay haystaan murrashaxiintu loogana baahan yahay in ay ku soo dhamaystiraan wixii shuruudo ah iyo codsi ah ee looga baahan yahay.

Iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyana xisbigu uu guddo gelin doono soo saarrida liiska kama danbaysta ah iyo u gudbinta murrashaxiinta ee guddiga doorashooyinka.

Geesta kael xoghayaha UCID waxa uu guddoomiyeyaasha goboladda ee xisbiga ku war-geliyey in ay dedejiyaan soo gudbinta murrashaxiinta goboladda iyo degmooyinka iskaga sharaxaya xisbigaasi.

Isagoona  murrashaxiinta hanka leh ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan wakhtiga kooban ee ay haystaan.

Dhinaca kale Cabdinaasir Yuusuf Cismaan, waxa uu tilmaamay in xisbiga UCID uu doonayo in uu soo xullo oo ay doorashooyinka uga qayb-galaan murrashaxiin aqoon, Karti iyo tayo leh oo noqon kara adeegayaal bulsho oo wax qabad leh.

 

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Xoghayaha UCID:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here