Somaliland: Baabuur Oo Lagu Wareejiyay Wasaarradaha Caafimaadka iyo Waxbarashadda

0
412

Hargaysa (HP): Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa maanta 7 baabuur ku wareejisay wasaarradaha caafimaadka iyo waxbarashadda.

Baabuurtaasi ayaa laga maalgeliyay kharashka lagu soo iibiyay sanduuqa horumarinta Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo SDF.

Gaadiidkaasi ayaa loogu tallo galay in lagu fuliyo hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Xasan Gaafaadhi, oo baabuurtaasi wasaarradahaasi ku wareejiyay.

Waxaana wasaaradda caafimaadka lagu wareejiyay afar baabuur oo ka mida gawaadhidaasi, halka saddex ka mida gawaadhidaasi lagu wareejiyay wasaaradda waxbarashadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here