U Jeedadda Kulan Dhex Maray Madaxweyne Biixi iyo Hogaanka Xisbiyadda

0
594

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyadda hogaamiyeyaasha labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

Kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa saddexda dhinac waxay kaga hadleen saddex qodob oo ka mida xaaladaha dalka ka taagan iyo kuwa caalamkaba sida xanuunka Corona Virus.

Kadib markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa warbaahinta wada jir ula hadlay madaxweyne Biixi iyo guddoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii kulankaasi lagaga hadlay waxaanu sheegay in qodobadii laga hadlay ay ka mid ahaayeen,  fariinta Bulshada Somaliland ee COID 19,  Deynta Baanka Adduunku ka Daayey dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya iyo Diidmadii golaha wakiilada Somaliland maanta ku diideen labadii xubnood ee Komishanka Qaranka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here