Mujaahid Daa,uud Kheyre Kaahin Oo Xanuun Kadis ahi Ku Haleelay Dalka Turkiga, Iyo Xaalad Gurmad La,aan ah oo La Kulantey

0
682

Hargeisa- Lataliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo dhinaca Arimaha Siyaasada Siyaasi Daa,uud Kheyre Kaahin ayaa Xaalad Caafimaad oo Degdeg ahi kusoo Waajahdey dalkaasi Turkiga  kadib markii uu dhawaan halkaa Geeyay Xaaskiisa oo Baadhis Caafimaad u baahneyd.

Xaalada Caafimaad ee Mujaahid Daa,uud Kheyre Kaahin ayaa siweyn looga Deyrinayaa Kadib markii Xanuun kusoo booda ahi ku haleelay Dalkaasi Turkigaa, iyadoo uu Hadda yaalo Cusbitaal kuyaala Dalkaasi, inkastoo aanu Xaalad Caafimaad u tagin, islamarkaana, kutagalkiisu ahaa in uu baadhis kooban Soo mariyo Xaaskiisa haddana Xaaladan Caafimaad ee lasoo Daristey Mujaahid Daa,uud Kheyre Kaahin ayaa, ah mid uu Gurmad uga baahan yahey Dalkiisa iyo Dadkiisaba.

Mujaahid Daa,uud Kheyre Kaahin oo kamid ah Aqoonyahankii Naftood Hurayaasha ahaa ee kasoo Qeyb qaatey Halgankii SNM Waxa uu Ururkii SNM iyo Somalilandba kasoo Qabtey Xilal kala Duwan, isagoo ugu dambeyntii ahaa Lataliyaha Dhinaca Siyaasada ee Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, oo ay Mudo dheer xulafo ku ahaayeen Halgankii SNM iyo Bilawgii Xisbiga Kulmiye labadaba, Sidaa Darteedna, Waxa ay Ehelada Mujaahidku la Socodsiinayaan Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi, in uu ka War Hello Mujaahid Daa,uud Kheyre iyo Sida looga Deyrinayo Xaaladiisa Caafimaad.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here