Turkiga oo Wiiqay Rajadii Sweden iyo Finland Ee Ku Biirista NATO

0
455

Ankara (Hargeisa Press) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa sheegay in Sweden iyo Finland ayna weli gudan dhammaan waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii u oggolaanayay in ay ku biiraan is-baheysiga NATO, welina ay tahay inay qaadaan tallaabooyin muuqda.

Mevlut Cavusoglu, oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg oo ku sugan Istanbul, ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu arkayo in xukuumadda cusub ee Sweden ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Ulf Kristersson ay qaadayso tallaabo ay ku gudanayso waajibaadkeeda, laakiin ayna weli ku filnayn fulinta heshiiska NATO.

Sweden iyo Finland, ayaa saxeexay heshiiska ku biirista NATO bishii Juun, taasoo keentay in Turkigu uu ku hor istaago diidmada qayaxan oo ku aaddan codsigooda.

Labadan dal, ayaa codsaday inay ku biiraan NATO si ay uga jawaabaan dagaalka Ruushka ee Ukraine, laakiin Turkiga, ayaa dalbaday dammaanad dheeri ah, oo ay ku jirto inaanay gabbaad siin dagaalyahannada Kurdiyiinta.

Sweden, ayaa bishii hore ee October laashay xayiraaddii saarnayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turkiga, kadib markii dalka Waqooyiga Yurub uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulafada milateri ee NATO, isla markaana heshiis laga gaadho diidmadii Turkiga.

Sweden iyo Finland, ayaa mamnuucay in hubka loo dhoofiyo Turkiga sanadka 2019 ka dib markii dagaal ka dhan Kurdiyiinta Suuriya ee YPG uu Turkigu gudaha ugu galay dalka Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here