Madaxweyne Biixi oo Sharci-daro Ku Tilmaamay Go’aamadii Shir Beeleedka Dal-wanaaje

0
1415

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay xuska aasaaska Ciidamada Booliska, ayaa waxaa uu sharci daro ku tilmaamay go’aamadii ka soo baxay shir beeleedkii Dal-wanaaje ee dhawaan Burco ka dhacay.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in xisbina deegaan gaar ah ka soo jeedin oo xisbi waliba Somaliland oo dhan leeyahay, isla markaana uu Somaliland oo dhan cod ka doonayo, isagoona wax aan la qaadan karin ku tilmaamay go’aamada shirkan.

“Xisbina kaligii gobol gaar ah kama soo jeedo, kuma jirto shuruucda doorashada, qaranka oo dhan ayuu leeyahay, ninka madaxda u ahina waa in uu qaranka oo dhan cod ka doonayaa, waxan la qaadan karaynin waxyaalaha qaarkood ee shirarka beelaha kasoo baxa” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxaa uu arrin argagax leh oo qaranka gef ku ah ku tilmaamay, islamarkaana sharafta madax-dhaqameedka hoos u dhigaysa, in beel gaar ahi tidhaahdo doorashada deegaanka-yaga laga qaban maayo hadii aan codsiga-yaga la fulin.

“Argagax ayay leedahay, qarankana waa ku gaf, sharciyana waa xaaraan, madax dhaqameedkana hoos ayay u dhigaysa in beeli tidhaa hadii waxa iyo waxaasi dhici waayaan deegaankayaga laga codayn maayo” ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu hadalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here