Agaasimaha Guud Ee W. Deegaanka Oo Kormeeray Xarumaha Xanaanaynta Harimacadka

0
355

Hargaysa (HP): Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa kormeer ku tegay xarumaha Xanaanaynta Harimacadka.
Xarumahaasi oo ku kala yaala magaaladda Hargaysa, iyo xarunta dhismaheedu ka socdo Degaankan Geed-deeble, ee woqooyiga caasimadda Hargaysa.


Booqashadda xarumahaasi waxaa Agaasimaha guud ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Duur joogta Dhirta iyo Daaqa ee wasaaradda deegaanka C/naasir Xuseen Siciid.
Sidoo kale waxaa agaasimaha guud kormeerka ku wehelinayay muuliyiin ka socday haayada Cheetah Conservation Fund (CCF), oo ka shaqaysa arrimaha bad-baadinta Harimacadka.

Xarunta Cilmi baadhista Dhirta iyo Dalxiiska iyo sidoo kale xanaanaynta Harimacadka ee degaanka Geed-deeble, waxaa maalgelinaysa dhismahiisa haayadda CCF.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa sheegay in dawlada Somaliland ay diyaarisay qorsheyaal lagu ilaalinaayo Degaanka iyo Duur joogta oo ay ka mid tahay xarunta Xanaanaynta Harimcadka ee Geeb-deeble oo Dhismaheedu socdo.

Agaasimaha guud ayaa u mahad celiyay cid kasta oo hawshan kala shaqaynaysa wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL.

DAAWO: Agaasimaha Guud Oo Kormeerkiisa Ka Warbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here