Turkiga oo War Cusub Ka Soo Saaray Heshiiskii Ay La-Galeen Soomaaliya

0
665

Ankara (Hargeisa Press)- Dowladda Turkiga, ayaa waxaa ay meesha ka saartay in heshiiskii ay la gashay Soomaaliya uu la xidhiidho khilaafka Itoobiya iyo Muqadisho.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibada Turkiga, ayaa lagu sheegay in heshiiska ay dawlada Turkigu la gashay Soomaaliya uu yahay mid ku wajahan dhanka budhcad-badeeda iyo argagixisada.

Sidoo kale, waxa uu qoraalku intaasi ku daray in heshiiskani aanu wax faro-gelin ah ku lahayn xaalada imika taagan ee ka dhaxaysa dawlada Itoobiya iyo kooxda Xamar.

Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Turkey-gu waxa ay qoraalkan ku cadaysay in Itoobiya ay qiime wayn ugu fadhido xidhiidhka dhaqaale, ganacsi iyo iskaashiga milatari ee dawladoodu la leedahay afirca, taasi oo ay intaa ku dareen in ay sii wadi doonaan   dhirigelinta xidhiidhkooda soo jireenka ahaa ee u dhaxeeya Ethiopia iyo Turkiga.

Dhinaca kale isla shalay, ayaa Xasan sheekh shir-jaraaid oo uu ku qabtay Muqadisho si wayn ula xidhiiidhiyey in heshiiskaasi uu ka dhashay kii ay wada-galeen Itoobiya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here