Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Heshiis Kala Saxeexday

0
923

Jigjiga (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland iyo xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan is-dhexgalka dhallinyarada iyo ciyaaraha labada dhinac.

Heshiiskan waxa siwada jir ah u kala saxeexday wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax iyo madaxa xafiiska wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad degaanka Soomaalida Maxamed Mahdi Aadan.

Heshiiskan labada wasiir kala saxeexdeen waxa goobjoog ka ahaa tababare Jaamac Aadan (Jaamac Karaaciin) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha JSL.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax iyo wafti ku wehelinaya socodkiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlo shaqo u joogay magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Heshiiskan ay wada galeen masuuliyiinta ciyaaraha ee Somaliland iyo Dawlad degaanka Soomaalida, ayaa wax weyn ka tari doona horumarinta dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here