Todobada Xubnood Ee Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Iskugu Yimi Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
1346
Todobada Xubnood Ee Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa,(HargeisaPress) —Warar madax banaan oo aanu helayno ayaa sheegaya in Todobada xubnood ee guddiga komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ay kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeesheen xarunta komishanka ee magaalada Hargeysa.

Waxaana naloo sheegay in guddigan ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay ka wada hadalka wakhtiga ku munaasibka ah ee  dib loo dhigi karo doorashada madaxtooyada Somaliland  madaama wakhtigan lagu jiro xaalad adag oo abaareed isla markaana aanay munaasib ahayn in doorasho dalka ka dhacdo,waxaana ay guddigan ka wada naaqishooden mudada la kordhinayo doorashada ka hor intaan loo gudbin ku dhawaaqisteeda golaha guurtida oo iyagu ku shaqo leh arrimaha muddo kordhinta,waxaana xusid mudan in axsaabta mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay soo gudbiyeen heshiis ah in doorashada dib loo dhigo muddo Lix Bilood ah.

Sidoo kalena guddigan ayaa waxa intii uu kulankoodu socday naloo sheegay in ay ka wada hadleen qaabka ugu fudud ee loo qaybin karo kaadhadhka codbixiyaha taas oo ay hore u sheegeen in labada gobol ee u horeeya laga bilaabi doono qaybinta kaadhadhka 21 bisha January oo shalay ku eekayd balse ay xisbiyada mucaaradka ahi ku gacan saydheen in iyada oo xaaladan lagu jirto dadkiina ay ka hayaameen deegaanadoodii la bilaabo qaybinta kaadhadhka codbixiyaha.

Natiijada kasoo baxday kulankan ay yeesheen todobada xubnood ee guddiga komishanku ayaa la filayaa inay u gudbiyaan isla markaana ay la wadaagaan madaxwaynaha Somaliland iyo masuuliyiinta saddexda  xisbi qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID,intaasi kadibna loo gudbiyo golaha guurtida Somaliland.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here