Taliye Taani Oo Hanbalyeeyay Maalinta Aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland

0
668

Hargaysa (HP): Taliyaha guud ee ciidanka Qaranka ee Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa hanbalyo iyo boggaadin u diray dhammaan xubnaha ciidanka qaranka ee Somaliland.
Xuska maalinta aasaaska ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo beri ku began awgeed.
Sidaasina waxaa lagu sheegay warqad warbaahinta loogu talo galay oo maanta ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidanka qaranka somaliland.
Waraaqdaasina waxay u qornayd sidan:
β€œTaliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu hanblayo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan xubnaha ciidanka qaranka ee Somaliland, saraakiisha, saraakiil xigeennada.
Aliflayda, dablayda iyo xaasaskooda meel kasta oo ay joogaan, isagoo ku hanbalyaynayaa munaasibadda sannadguurada 28aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka JSL, oo ku beegan 02.02.022-ka.
Isagoona ILLAAHAY SWT uga baryay inuu ku gaadhsiiyo sannadkan sannadkiisa kale bash bash iyo barwaaqo.”

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here