Taliye Nuux Taani Oo Hambalyo U Diray Ciidammada Qaranka Somaliland oo Xuska Aasaaskoodu Berri Ku Beegan Tahay

0
909
Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland
Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) β€” Taliyaha Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa bogaadiyay guud ahaan ciidamada qaranka Somaliland, munaasibada sannad guuradii 27-aad ee aasaaska ciidanka oo beri ku beegan awgeed.

War ka soo baxay xafiiska taliyaha ciidanka qaranka Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, soona gaadhay Warbaahinta Hargeisapress, ayaa lagu sheegay in taliyuhu hambalyo iyo bogaadin u diraayo dhammaan ciidanka qaranka iyo qoysaskoodaba, iyadoo ay ku beegan tahay maalintii beri ah aasaaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu dhammaan ciidanka qaranka u rajeeyay in sannadkan, sannadkiisa ay ku gaadhaan barwaaqo iyo horumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here