Taliyaha Milateriga Somaliland oo Bilado Ku Taxay Ciidamada Jiida Tukaraq

0
1960

Tukaraq (Hargeisa Press)- Taliyaha ciidamada Milateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa gaadhay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxaa socdaalka ku wehelinayay qaar ka mid ah hogaanada guud ee Taliska Milateriga.

Taliye Nuux Taani markii uu halkaasi gaadhay waxaa uu kulamo la qaatay saraakiisha taliska aaga bari oo uu horkacayo Taliyaha ciidamada Milateriga ee aaga bari.

Ujeedka socdaalka Taliyaha ciidamada Milateriga Somaliland ayaa ahayd u kuur galka xaalada ciidanka Milateriga ee jiida hore ee gobolka Sool iyo guddoonsiinta bilad geesiyo madaxweynaha Somaliland ugu talo galay ciidamada qaranka ee jiida hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here