Dhaqaalihii Dalka Jabuuti oo Uu Dhulka La Galay Cudurka Coronavirus

0
1546

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in cudurka Coronavirus uu dhulka la galay dhaqaaleheedii.

Wasiirka Maaliyadda Dalka Jabuuti, Ilyaas Dawaale ayaa kulan deg deg ah oo arintaasi ku aadan la yeeshay hay’addaha Qaramada Midoobay ee dalka fadhigoodu yahay iyo danjireyaasha dalalka Shisheeye.

Wasiirka ayaa hay’addaha Qaramada Midoobay uga warramay saamaynta fayraska Corona ku yeeshay guud ahaan dalka iyo gaar ahaan sida uu u taabtay dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara hadii xaaladdu sidan sii ahaato.

Wasiirka maaliyadda Ilyaas Dawaale, ayaa waxa uu u soo bandhigay hay’adaha uu la kulmay sidii ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen saamaynta uu dhaqaalaha dalkeeda ku yeeshay xanuunka Coronavirus.

Dowladda Jabuuti ayaa dakhliga ugu badan ka hesha wadammada shisheeye ee saldhigyada milateri ku leh.

Jabuuti ayaa ah dalka laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan COVID-19 ee Bariga Africa inta illaa iyo hadda la shaaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here